5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

MAGAALADA MUQDISHO OO AY WALI KA SOCDAAN DAGAALO AAD U QARAAR OO FARAHA LOOGA GUBTAY.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti, Mar 31, 2007 (HOL)  Dagaalo aad u qaraar oo faraha looga gubtay islamarkaana ah kuwii ugu darnaa ee wayahan in la xasuusta soo mara caasimada Muqdisho Maalitiisii Sadaxaad ka dhax-socda Xoogaga dalka Itoobiya ee taageeraya Dowlada federaalka soomaaliya iyo waliba Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada ee kacdoonka wada.
 
wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya caasimada Muqdisho ayaa sheegaya in wali la maqlayo dhawaaqa Madaafiicda ay isku ridayaan labada dhinac, gaar ahaan hubka Culus ee ka dhacaya Qoryaha Taangiga iyo Biim’emka  oo uu sii wehliyo Qoriga  Huubiyaha oo inta badan xaafadaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah si aan loo meel dayin ugu dhacaya.
 
Goobaha ugu daran ee dagaaladii ugu danbeeyay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah  Xaafadaha Xariiryaale, Cali kamiin, Towfiiq, Baar-ayaan, iyo waliba Xaafada Xamarweyne, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Goobahaasi dagaalka ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladu ku Guuleysteen in ay Gacanta ku dhigaan Isgoosyadii inta badan  fariisinka u ahaa kooxaha ka soo horjeeda oo dhinacooda marka la eego wali wada iska caabin xoog leh.
 
Ilaah hada marka laga hadlayo Qasaaraha dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay ayaa waxaa La Rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen dad kor u sii dhaafaya 100 halka ku dhawaan 300 ay ku dhaawacmeen, waxaana Buux dhaafay Isbitaalada oo sidoo kale daawaduna gabaabsi ku sii tahay.
 
Wariye Salaad Iidow Xasan Xiis oo jooga Muqdisho ayaa sheegay in marka xaalka la fiiro yahay mid marba marka ka danbeeysa sii cuslaanaya, waxaana uu intaa ku daray Xiis in Magaalada Muqdisho ay meesha ka baxeen dhamaan adeegyadii Bulshada, Malaha wax Koranta ah, Biyahana iskaba daa, waxaana uu intaa ku daray in dhaq-dhaqaaqii gaadiidku joogsaday,  iyadoo sidoo kalana Albaabada loo laabay Suuqyadii waaweynaa ee muqdisho oo hadii uu xaalku sidan sii ahaado halis ugu jira in ay ku qamaamaan kooxo Burcad ah.
 
dhanka kale waxaa wali ka jira gudaha Muqdisho sida uu sheegay Xiis Qul-qulka dadka rayidka ah ee ka baxsanaya Hubka culus ee laysku ridayo, waxaana xusid mudan in Qoysas soo barakacay mar kale ay sii bara-kacayaan kadib markii xaafadihii ay ay maceenka bideen madaafiidu ugu tagtay.
 
Jahwareerka Dagaal iyo Qaska sii cuslaanaya ee ka taagan Caasimada muqdisho ee ayaan wali waxaan ka hadlin Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada federaalka,  gaar ahaan Madax-weynaha soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo hada ku sugan Caasimada ee Madaafiicdu ka dhaceyso.
 
C/raxmaan diini, hiiraan online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).