5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ururrada u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, March 30, 2007(HOL): Iyadoo Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya uu ka socdo dagaal kii ugu qaraaraa ee soo mara waayahan, ayaa waxaa jira Baaqyo is daba- joog ah oo loo dirayo dhanacyada isku caasimada Muqdisho hadii ay ahaan la haayeen kuwa Dowlada Federaalka ee taageeraya ciidamada Itoobiya iyo waliba kooxaha aan la garan ee ka soo horjeeda.

 

Qeybaha baaqyadaa diraya ayaa waxaa ka mid ah Ururada u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Adanaha ee ka howl-gala Gobalka Hiiraan oo ku tilmaamay dagaalka Muqdisho mid laga arga gaxo islamarkaana ah mashaqo mar kale u soo hoyatay umada Soomaaliyeed,.

 

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Xaq-dhowr Fadhigiisuna yahay magaalada B/weyn  ayaa baaq qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in xaalada muqdisho tahay waqtiga mid laga naxo gaar ahaan marka la eego sida baaqu u dhignaa madaafiicda arxan darada ah ee lagu garaacayo caasimada, waxaana uu qoraalku ama baaqu  intaa ku daray in labada dhinac ee iska hor imaadku u dhaxaayo aysan marnaba ka fakarin dhibaatada ka soo gaari karta dagaalka noocaas oo kala ah shacabka xitaa awooda u waayay in ay ka cararaan wax ka dhacaya caasimada muqdisho.

 

Max’ed Caraay C/dule oo ah Madaxa  Ururka  Xuquuqda Aadanaha ee Xaq-dhowr ayaa sheegay in dhinacyada is haya kaliya ay ka fakirayaan siyaasadahooda u gaarka ah lakiin aysan xisaabta ku darasan in bari Taariikhdu sheegi dooto waxa maata dhaca, waxaana uu Caraay ugu baaqay dhinacyada is haya in ay u duraan shacabka  masaakiinta ah ee la dagaalamaya nolashooda caadiga ah.

 

Balse marka laga soo tago arinta dagaalada waxaa baaqa  ay soo saareen Ururada Xuquuqda Aadanaha sidoo kale looga hadlay arina ku saabsan dhibaatada dhinaca caafimaadka ah ee haysata dadka Rayidka ah ee ku wax-yeeloobay dagaaladii dhacay oo qaar kood iyaga oo dhaawac qaba hadana la la’yahay meel la soo mariyo si loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka, taasoo ay ku tilmaameen mid  qeyb ka ah dhibaatada 17 sano ka dib mar kale la soo daristay  shacabka dhiban.

 

Ugu danbeytii ayaa loogu baaqay Dowlada Federaalka in ay il gaar ah ku eegto Rayidka aan waxba galabsan maadaama sida baaq lagu sheegay iyagu yihiin kuwa la doonayo in la maamulo, baaqa iyaa sidoo kale waxa ku wehliya Ururka Xaq-dhowr, Ururada ay ka midka yihiin  HIWA, iyo waliba COCO, oo fadhigoodu yahay magaalada B/weyn.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).