Jimco, March 30, 2007(HOL): Dad aad u faro badan oo ku noolaa xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa guryahoodii isaga barakacay kadib markii ay u adkeysan waayeen madaafiic waa weyn oo ay isku ridayaan Ciidamada Itoobiya ee gacanta siinaya Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dadkan qaxaya oo u badan Haween, Caruur iyo Dad waayeello ah ayaa waxay u qaxayaan Xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Shibis, Madiina iyo Degmooyinka Afgooye, Balcad iyo Jowhar, inkastoo ay jiraan dad kale oo dalkaba isaga sii baxaya oo dhinaca dhulka maraya.
Dadkani ayaa intooda badan waxay ka soo qaxeen Xaafadaha ay ku dagaalamayaan dhinacyada isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho, gaar ahaana kuwa u dhow Wasaaraddii Gaashaandhigga, Ifka Xalan, Towfiiq, Juungale iyo Ceymiska, wuxuuna qaxooda sii xoogeystay kadib markii dushooda la isugu adeegsaday madaafiic waa weyn oo aysan dadka Muqdisho horay u arkin.
Dowladda Federaalka iyo Odayaasha Beesha Hawiye ee ka soo horjeeda ayaa waxay ugu baaqeen dad horay uga qaxay magaalada Muqdisho in ay dib u soo laabtaan, iyagoo kuwo qixi rabayna ugu baaqay in aysan qixin, iyadoo markii ay dadka dib u soo laabasho bilaabeena uu mar kale dagaalkii Muqdisho dib u bilowday.
Dhanka kalena, saakay wax dagaal ah oo xooggan
Haddaba dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu sababay dhimashada 30 ruux iyo dhaawaca dad kale oo kor u dhaafaya 100 ruux, iyadoo ay sidoo kale jireen Askar Itoobiyaan ah oo dagaalkii shalay lagu dilay, kuwaasi oo meydkooda lagu arkay Wadada Warshadaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






