Khamiis, March 29, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka qeybgalay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay dagaalka ku geeriyoodeen, iyadoo meydadka askartaasna lagu arkay Wadada Warshadaha, gaar ahaan Nawaaxiga Machadka SIMAD.
Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay ilaa 30 ruux ayaa dadkaas dhintay waxaa ka mid ahaa askarta ka geeriyootay Ciidamada Itoobiya, iyadoo ay sidoo kale dagaalka ku dhaawacmeen dad boqol ruux ku dhow oo dhaawacooda la dhigay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah meydkooda la xaqiijiyo, iyadoo horayna la sheegi jiray in Ciidamada Itoobiya Askar looga dilay dagaal ay la galeen kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Wuxuu ahaa dagaalkii maanta dhacay midkii ugu cuslaa ee Muqdisho ka dhaca, isla markaana ay ka qeybqaataan Taangiyo iyo Diyaaradaha Dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya, iyadoo madaafiic ay labada dhinac isku rideen ay ahaayeen kuwo aad u culus.
Haatan oo habeen ah wax madaafiic ah magaalada
Si kastaba arrintu ha ahaatee dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay saaka aroortii Ciidamo Itoobiyaan ah oo Taangiyo wata ay ka soo baxeen xerooyin ay ku jireen, isla markaana ay howlgallo ka bilaabeen xaafado ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






