Khamiis, March 29, 2007(HOL): Magaalada B/weyn ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa waxaa si Rasmi ah uga dhaqangalay Bandow lagu soo rogay Xiliga habeenkii ka dib markii dhawaan koox aan la garan ay weerar ku qaaday Saldhiga Booliska Magaalada kaasoo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada Booliska.
Sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Mux’ed Maalin Bandowgan la soo rogay oo bilaabanaya (Sideeda Fiidnimo) Kuna eg ( Shanta Subaxnimo) ayaa loogu tala galay in lagu sugo nabad-galyada magaalada oo sida uu sheegay ay ku soo badanayaan kooxo ka soo horjeeda nabad-galyada, waxaana uu intaa ku daray in uu socon doono Baan’dowgu tan iyo inta laga xaqiijinayo nabad-galyada.
Taliyaha ciidamada Booliska ee Gobalka Hiiraan G/sare Xuseen Shugri Axmed ayaa sheegay in ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen tan iyo wixii ka danbeeyay markii la howl-galiyay 4 Ruux oo la tuhun san yahay in ay qorsheynayeen weraro kala duwan, lakiin ma’uusan sheegin waqiga la hor keenayo dadka la qabtay Cadaalada.
Bandowga la soo rogay ayaa waxaa ka imanaya Cabasho la xiriirta waqtiga lagu dhawaaqay in uu hirgalayo oo ah inta badan xiliga ganacsigu socdo, gaar ahaan waxaa aritaa siweyn uga biyo diidan dadka heysta Mehradaha laga cunteeyo oo sheegay in ay la kulmeen qasaaro dhinaca ganacsiga ah.
Dhanka kale waxaa iyana cabasho taa la mid ah muujinaya dhalinta wax ka barata Dugsiyada lagu barto xiliga habeenkii Luuqdaha, oo ku tilmaamay Amarka ka soo baxay dhinaca maamulka mid wax u dhimay habsimi u socdkii wax-barashada, lakiin ilaa hada maamulku arimahaa oo dhan jawaab kama uusan bixin.
Magaalada B/weyn ayaa waqtigan u muuqta mid amaanku uusan hagaagsaneyn wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Booliska, iyo waliba degniintii kooxaha aan la garan ay ku soo qoreen warqadaha, taasoo muujineysa in ay jiraan kooxo ka soo horjeeda hanaanka maamulka hada ka jira gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






