Axad, March 25 2007(HOL): Diyaarad xamuul ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa galabnimadii Jimcada ahayd ee aynu ka soo gudubnay waxaa ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Ceel Macaan iyo Degmada Balcad. 11 ruux oo diyaaraddaas saarnaa dhamaantood waa ay geeriyoodeen, waxayna diyaaraddaas ahayd mid qalab dayactir ah u waday diyaarad kale oo ku ciladeysan garoonka Diyaaradaha Muqdisho.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia