10.9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Dowladda Federaalka oo heshiis la gashay Ganacsade gacan saar la lahaa Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la heshiisay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo gacan saar la lahaa maxkamadihii Islaamka ee dabayaaqadii sanadkii hore lagala wareegay awooddii ay ku lahaayeen bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay horkacayeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa la sheegay in ay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ay kula kulmeen magaalada Nairobi, isla markaana ay ku wada heshiiyeen.

 

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika oo qudhiisa kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay labada dhinac heshiis buuxa ka gaareen mad-madowgii horay u dhex yiilay, isla markaana ay is-cafiyeen.

 

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayuu Maxamed Cali Ameerika sheegay in ay ka mid ahaayeen in laga wada shaqeeyo nabadeynta dalka Soomaaliya, in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan uu ka qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday in Magaalada Muqdisho lagu qabto 16-ka bisha soo socota ee April.

 

Maxamed Cali Ameerika waxaa uu intaas ku daray in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan uu dhawaan tegi doono Magaalada Muqdisho, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Xaaji Abuukar uu arrintaas ballanqaaday.

 

Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa dalka Soomaaliya isaga tegay markii la wiiqay awooddii Maxkamadaha Islaamka, isagoo dhinaca dhulka ka galay dalka Kenya, inkastoo Xaajiga mar sii horeysay laga sii daayay xabsi ay u taxaabtay Dowladda Kenya oo ku eedeysay in uu sharci darro ku galay Dalka Kenya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).