9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay Khatar ka soo socota kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 25, 2007(HOL): Maamulka gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horesay tan iyo wixii ka danbeeyay markii laga itaal raanaaday Maxkamadihii Islaamiga waxaa ay ku dhawaaqeen in ay jirto qatar amaan daro oo ka soo socta sida ay hadalka u dhigeen kooxo ka harsan Midowgii Maxkamadaha xiriirn la leh wax yaabaha ka dhacaya caasimada Muqdisho.

 

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobalka Hiiraaan Xuseen Cumar xasan

(Gacamey) oo la hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in ay heleen tilmaamo cad oo muujinaya

in ay jirto qatar ka soo socta kooxaha uu maamulku tilmaamay, isagoo intaa ku daray si looga hortago qatartaa iyada ah maamulku qaadanayo talaabo adag oo lagu sugayo nabad-galyada guud, gaar ahaan waxaa farta ku fiiqay in xiliga habeenkii laga bilaabo ( Tobanka Fiidnimo) ilaa gaaro (Shanta Subaxnimo) magaaladu tahay Baan’dow.

 

Gudoomiye ku xigeenku waxaa uu intaa ku daray sidoo kale in ciidamada nabad-galyadu amar buuxa u qabaan qabashada cid kasta oo lagu tuhmo ku lug lahaanshaha wax yaabo ka dhan ah nabad-galya, isaga oo intaa sii raaciyay in shacbaka dhiniciisa looga fadhiyo gacansiinta ciidamada nabada sugaya si looga hortago kooxaha doonaya carqaladeynta xisiloonida hada jirta.

 

Mar HOL ay weydiisay Gudoomiye ku-xigeenka waxa keenay wal walka intaa la eg iyo waxa iyaga oo kaliya u muuqanaya maamul ahaan, waxaa uu sheegay in baaritaanka arintaa ku saabsan mar hore la sameeyay lana ogaaday in kooxhii taageersanaa Midowgii Maxkamadaha mar kale doonayaan in ay dib isku soo abaabulaan isaga oo tusaale u soo qaatar gabalka Gal-gaduud oo sida uu sheegay in ka soo bexeen kooxo ku xiran wax uu ku talmaamay Arga-gixisada.

 

Warka ka soo baxay maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaan xili gudaha magaalada B/weyn lagu dhax arkay warqado aan la ogen cida soo daabacday kuwaasoo lagu qoray erayo ka dhan ah maamulka hada jira iyo waliba guud ahaan Dowlada Federaalka, waxaana marka la soo koobo erayada ku qornaa warqadaha lagu arkay gudaha magaalada ahaayeen kuwo u dhigay, waxaan uga digeynaa kooxoha taageersan ciidamada Itoobiya in ay la kulmi doonaan weeraro dhincyo badan hadii aysan ka harin siyaasada Itoobiya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).