9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Dowladda Federaalka oo ka hadashay Diyaarad shalay ku dhacday duleedka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ka hadashay diyaarad shalay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, taasi oo ay warar is-khilaafsan ka soo baxayeen waxa sababay dhicitaankeeda.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyaaraddaas ay u soo dhacday sabab la xiriirtay cilad dhinaca Matoorka ka gashay.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in diyaaradda markii ay kacday oo ay 10,000 oo feet ay hawada sare u gashay ay cilad kaga soo baxday mid ka mid ah Matoorradeeda, taasi oo keentay in uu duuliyihii diyaaradda uu dib u waco garoonka diyaaradaha Muqdisho, si uu mar labaad u soo dego, hayeeshee ay taasi suurtageli weysay, diyaaraddiina ay ku dhacday meel u dhaxeysa Ceel Macaan iyo Degmada Balcad.

 

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere waxaa uu sheegay in diyaaraddaas ay qalab dayactir ah u keenay diyaarad kale oo cilad u taala garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana markii ay dib u noqoneysay ay qaaday qalabkii ciladeysnaa ee diyaaraddaas laga furay.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay in aysan cidna ka badbaadin 11 ruux oo diyaaraddaas saarnaa, inkastoo mid ka mid ah 11-kaas ruux oo dhaawac ahaan loo soo qaaday uu gadaal ka geeriyooday, “Dad ayaa dhintay mana rabno in aan siyaasadeyno wixii sababay dhicitaankii diyaaraddaas, waxaanse idiin sheegeynaa in arrinta saxda ah ay tahay in diyaaradda cilad ku timid”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.

 

Diyaaradda ku dhacday duleedka Magaalada Muqdisho ayaa shalay galab ilaa maanta waxaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho in gantaal lala helay, taasina ay keentay in ay dhacdo, walow ay wararkaasi si weyn u beenineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).