9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku tilmaamay Dagaalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho mid xaaraan ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL):  Iyadoo wali ay halkoodii ka socdaan dagaalada ka dhax aloosan ciidamada dowlada federaalka oo ay caawinayaan xoogag Itoobiyaan ah iyo walba  kooxaha wax weerara ayaa waxaa markii ugu horesay si toos ah uga hadalay dagaalka labada dhinac golaha dhaqan gobalka  Hiiraan oo  sheegay in dagaalkiisa yahay mid xaaraan ah oo waqtigan shacabka soomaaliyeed qiimo badan ugu fadhiyin.

 

Warkan oo Qoraal ahaan loo soo saaray ayaa marka laysku soo koobo nuxurka uu xabaarsanaa waxaa uu ahaa in xiligin la oran karo  shacabka soomaaliyeed waxaa ay cagta saareen watadii bur burka iyo colaadaha halkii laga filayay in loo gudbo nabad iyo Qarnimo.

 

Dhinaca kale Golaha warka soo saaray waxaa ay intaa ku dareen in looga fadhiya dowlada federaalku in ay la timaado qorshe ka duwan ka hada socda. si loo bad-baadiyo shacabka inta hartay, oo sida qoraalka lagu sheegay ku jahwareersan ku dhax-noolaashaha marxalada adag ee ka taagan caasimada dalka.

 

Sidoo kale qoraalku waxaa farta ku fiiqay in dhinacyada wax weerara ee ka soo horjeeda dowlada federaalka gartaan mas’uuliyada dhinacooda ka saaran bad-baadinta shacbka ay ku kor dagaalamayaan ,  maadaama xooga hubka laysku ridayo cida kaliya ee wax yeelada ka soo gaari kartaahi  yihiin dad weynaha soomaliyeed.

 

Marka laga soo tago arinta ku saabsan ka hadalka dagaalada ka dhacaya magaalada muqdisho waxaa qoraalka qeyb-ka mid ah lagu xusay arimo ka hadlaya, wararka maalihii ugu danbeeyay ee ku aadanaa in dagaalka ka socda magaalada muqdisho yahay mid qabiil, kasoo qoralku uu tilmaamay in ay tahay arin waxba ka ma jiraan ah soomaaliduna ka soo gudbtay sida qoraalku u dhignaa waqtigii qabaa’ilka, sidaa daraadeed looga fadhiyo guud ahaan siyaasiyiinta soomaaliyeed in ay u gurmadaan  wax ka qabashada mashada mar kale uu dalku lugaha la sii galayo.

 

Qoraalkan ay soo saareen  golaha guurtida gobalka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili wali xaaalku uusan wanaagsaney  caasimada muqdisho oo la oran karo shacabkii ku dhaqnaa xoogaasii hada waa mid isaga sii baxaya, maadaama labada dhinacba aysan jirin cid u tureysa.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).