11.6 C
London
Saturday, October 25, 2025

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maanta degan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL):  Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay dagaallo ka dhacayeen ayaa saaka degan, wax rasaas iyo madaafiic ahna magaalada lagama maqlayo.

 

Goobaha ay seddexdii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ku dagaalamayeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda ee magaalada Muqdisho ayaaney maanta wax dagaal ah ka jirin, inkastoo ay weli is-horfadhiyaan ciidamadii dirirta u dhaxeysay.

 

Dagaalkii seddexda maalmood ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku naf waayay dad lagu qiyaasay 30 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo 100 ruux kor u dhaafaya, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah.

 

Sidoo kale dagaalka Muqdisho ka dhacay ayaa sababay barakac ku yimid dad badan oo Muqdisho ku dhaqnaa, kuwaasi oo u hayaamay deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka ee deriska la ah Gobolka Banaadir, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa cidlo, mana arkeysid marka aad dhexmarto dadkii tirada badnaa ee horay loogu arki jiray.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo nabadgelyo darro wada oo magaalada Muqdisho ku sugan, halka ay Odayaal u hadlay beelo ka tirsan Beesha Hawiye ay sheegeen in dagaalka ka qarxay Magaalada Muqdisho uu yahay mid u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Beesha Hawiye.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).