Jimco, March 23, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay dhibaatooyinka iyo dagaallada ka socda ayaa wuxuu sheegay in ay Soomaaliya heysato nasiib darro aad u daran, isla markaana ay dadkeedu yihiin kuwo aan rabin in ay dhibaatada iska daayaan.
Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed lagu tilmaami karo kuwo aan lahayn damiir wadaniyeed marka la eego sida ay dhibaatada isugu geysanayaan oo ay isu dhameynayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay wax aad looga xumaado tahay in 16 sano kadib ay Soomaaliya haatan dib ugu noqoneyso dagaallo iyo waxyaabo mar hore laga soo gudbay.
Soomaaliya ayuu sheegay Prof. Dalxa in ay noqotay dal ay cid kasta damaaciso, isla markaana ay soo hunguryeyso kheyraadka ku jiro, taasina wuxuu sheegay in ay ugu wacan tahay dadka Soomaaliyeed oo lagu kari la’ yahay in ay noqdaan dad wax qabsada oo la tartama xitaa dalalka la jaarka ah, “Soomaaliya waxay la mid noqotay Gabar qurux badan oo meel isgoys taagan, nin kastana uu damcayo” ayuu yiri Prof. Dalxa
Guddoomiye ku xigeenka Baalramaanka wuxuu kula taliyay dadka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay Qarankooda iyo sharafkooda u soo celin lahaayeen bacdamaa ay Soomaaliya ka hartay marka laga soo tago adduunka xitaa dalalka geeska Afrika.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






