Khamiis,
Dagaalkan oo saakay si goos goos ah uga socday agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad, iyo nawaaxiga Hotelka Ramadaan ayaa xooggiisa waxaa uu dib u soo cusboonaaday goor dhaweyd oo galabta ah, iyadoo uu ka bilowday deegaanada Jamhuuriya, Fagax, Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha.
Dagaalka oo goor dhaweyd bilowday ayaan ilaa iyo haatan la xaqiijin karin khasaaraha uu geystay, hayeeshee waxaa hubanti ah in uusan khasaare la’aan ahayn waayo waxaa la isugu adeegsanayaa madaafiic waa weyn oo laga maqlayo magaalada daafaheeda.
Dagaalka Muqdisho ka socda oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa wuxuu galay maalintii labaad iyadoo ay ku dhinteen dad 20 ruux ka badan, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo boqol ruux kor u dhaafaya.
Ma muuqato ilaa iyo haatan rajo uu dagaalkan ku istaagi karo, waxayna labada dhinac ee uu dagaalka u dhaxeeyo ay isu marsiinayaan qalabka warbaahinta hanjabaado kul kulul oo dagaalka sii hurinaya.
Wixii war ah ee ku soo kordha Dagaalka Muqdisho ka qarxay kala soco Hiiraan Onlie haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






