11.6 C
London
Saturday, October 25, 2025

Wasiirkii ugu horeeyay oo ka tirsan Dowaldda Federaalka oo ku baaqay in la joojiyo Dagaallada Muqdisho ka socda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 22, 2007(HOL): Wasiirka Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho ay dagaalka joojiyaan.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in lagu dul dagaalamo dadka shacabka ah ee Muqdisho ku dhaqan, isla markaana ay qaar dhintaan, kuwo dhaawacmaan, kuwo kalena barakacaan, “dagaal wax faa’iido ah laguma keenayo, waxaana ku talinayaa in ay dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay wada hadlaan”ayuu yiri Wasiirka Garsoorka.

 

Avv. Xasan Dhimbil Warsame waxaa uu sheegay in haddii wax laga tabanayo Dowladda Federaalka ay dowladda diyaar u tahay in ay wax maqasho, isla markaana ay dhaliishadeeda dhegeysato, balse waxaa uu sheegay in aysan ahayn in madfac wax loogu sheego.

 

Sidoo kalena Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo iyana maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, isla markaana wada hadal la isugu yimaado, wuxuuna Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow uu sheegay in mas’uuliyadda ugu weyn ee joojinta dagaalka ay saaran tahay Dowladda Federaalka, bacdamaa sida uu u yiri ay dadka mas’uuliyad ka saaran tahay.

 

Baaqan dagaal joojinta ah ee ay maanta soo saareen Wasiirka ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii labaad uu Magaalada Muqdisho ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo kooxo kacdoonno wada oo Dowladda Federaalka ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).