
Arbaco,
Lama yaqaano waxa dhaliyay dhab ahaan dabkan baabi’iyay hantidii tiilay Bakhaarkan, waxayse dadka qaarkiis sheegayaan in waxyaabo qarxa ay ku soo dhaceen Bakhaarka, halka dad kalena ay leeyihiin in dabka uu ka dhashay gudaha Bakhaarka.
Ganacsato aad u faro badan oo Suuqa Bakaaraha ka xamaasha, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxay dadaal ugu jiraan in ay dabkaas damiyaan, iyagoo ka hortegaya in uu dabka u sii gudbo bakhaaro kale oo u dhow Bakhaarkii oo dabka ka bilowday.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dab ka kaco qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo dhowr horay u soo gubtay, inkastoo meesha uu Bakhaarkan ku yaalo ayasan ahayn gudaha Suuqa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






