10.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Wariyayaal ka tirsan Idaacadda Shabeelle oo Muqdisho lagu xiray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 21, 2007(HOL): Wariyayaal ka howlgala Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa xabsiga u taxaabay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Wariyayaashan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho u tegay howlo shaqo ayaa markii ay halkaas gaareen waxaa loo diiday in ay garoonka galaan, kadibna waxaa kaxeystay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo garoonka ku sugnaa.

 

Wariye Muxyaddiin Cali Jimcaale Jakuula oo wariyayaashaas ka mid ahaa balse si xirfadeysan uga baxsaday Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in labo wariye oo la socotay  iyo darawalkii gaariga ay kaxeysteen ciidamada Dowladda, isagoo intaas ku daray in uusan garaneynin meel ay la aadeen.

 

“Aniga iyo Wariyayaal kale oo Idaacadda Shabeelle ka tirsan ayaa garoonka Diyaaradaha waxaan u tagnay in aan uga qeybgalno shir jaraa’id oo naloo sheegay in uu ku qabanayo Ra’iisal Wasaare Geedi, balse markii aan iridka Garoonka aan tagnay ayay Ciidamadii halkaas joogay na hor-istaageen, iyagoo kadibna noo sheegay in ay na sugayeen oo ay la’aayeen si ay noo helaan”ayuu yiri Wariye Jakuulla oo sheegay in uu xariga uga badbaaday kadib markii uu iska dhigay qof doonaya in uu galo Maqaayad iridka Garoonka ku taala, sidaasna uu uga badbaaday in ay qabtaan Ciidamadii Dowladda.

 

Wariyayaal kale oo u shaqeeya Idaacadda Shabeelle ayaa horay waxaa jir-dil ugu geystay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xero kale oo ku taala Deegaanka Darmooley ee dhinaca Wadada Balcad, waxaana wariyayaasha jir-dilka loo geystay soo gaaray dhaawacyo ay maalmo u soo shaqo tegi waayeen.

 

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Shukri Shiikh Cali ayaa sheegtay in aysan aqoonin wax ay ka yiraahdaan falka lagula kacay Wariyayaashooda, maadaama ay Ciidamada Dowladda leeyihiin waa idin sugeynay, waxayna carrabka ku dhufatay in marka laga soo tago wariyayaasha laga xiray ay ka maqan yihiin qalabkii ay Wariyayaashaas ku howlgelayeen iyo weliba gaari ay wateen oo ay ku taalo astaan Idaacadda Shabeelle.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhawaan waxay xabsi u dhigeen Wariye u shaqeynayay Idaacadda Horn Afrik oo lagu magacaabo Xasan Sade Dhaqane, inkastoo wariyahaas uu dib xoriyaddiisi u helay kadib markii uu muddo toban maalmood ah uu xabsi ku jiray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).