10.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Dagaal aad u xooggan oo Magaalada Muqdisho ku dhexmaraya Kooxo Hubeysan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 21, 2007(HOL): Dagaalkan oo bilowday saaka aroortii ayaa waxaa la isugu adeegsaday madaafiicda noocyadooda kala duwan, wuxuuna dagaalka geystay khasaare aad u badan oo soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ay saaka howlgallo bilaabeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, wuxuuna howlgalkaasi keenay in ay kooxo hubeysan dagaal kala hortagaan ciidamada Dowladda iyo kuwii Itoobiyaanka ahaa ee la socday.

 

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Askar ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaanka ah ay ku geeriyoodeen weerarkaasi, kuwaasi oo meydkooda lagu gubay inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea.

 

Madaafiicda ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa waxay waxyeello ka geysteen xaafado aanu dagaal ka soconin, wuxuuna madfac ku dhacay Xeradii Cuuryaamiinta oo u dhow garoonka Kubadda Cagta Muqdisho uu geystay dhaawaca seddex ruux oo ay ku jirtay Hooyadii guriga uu madfaca ku dhacay, iyadoo madaafiic horena uu ku geeriyooday Aabihii Reerkaas.

 

Madaafiic aad u xooggan oo BM lagu sheegay ayaa waxay ku dhacayaan Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxayna si weyn u argagixiyeen dadka Muqdisho oo maanta iyagu xaaladdooda ay aad u cakiran tahay, marka loo eego beryihii hore ee dagaallada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ay dhexmari jireen dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda.

 

Dagaalkan maanta ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe ay Ciidamo tiro badan oo aan ahayn kuwa Dowladda Federaalka ay soo degeen Xaruntii Xisbiga oo u dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Ciidamadaas ay ahaayeen kuwo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, halka warar kalena ay sheegayaan in Ciidamadaas ay ahaayeen kuwo Beeleed oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wixii ku soo kordha dagaalka Xamar ka socda kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).