12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Beelaha Hawiye oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay Xasuuq ku heyso Dadka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 20, 2007(HOL): Shir ay maanta beelaha Hawiye ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxay uga hadleen nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, waxayna eedeyn u jeediyeen Dowladda Federaalka.

 

Shirkan oo ah kii labaad oo ay Beelaha Hawiye ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeybgaleen ilaa 100 xubnood oo ka socday Beelaha Hawiye ayaa waxaa ka hadlay Odayaal dhaqameedyo, Waxgarad, Culumaa’udiin, Haween iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Hawiye, kuwaasi oo ka hadlayay dhibaatooyinka magaalada Muqdisho ka dhacaya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka soo degtay magaalada Muqdisho.

 

Nabaddoon Maxamed Cabdi oo ka mid ah Odayaashii kulanka ka qeybgalay ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay xasuuq aan loo meel dayin ay ku heyso dadka Muqdisho, wuxuuna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uu ku soo daabulay magaalada Muqdisho, isla markaana ay aar-goosi kula kacayaan Dadka.

 

“Diyaar ayay u tahay Beesha Hawiye in ay la shaqeyso haddii ay jidka wanaagsan soo marto, haddiise ay u muuqato mid qabiil iyo mid aar-goosi wadda gacmaha ayaan isula tegeynaa”ayuu yiri nabaddoon Maxamed Cabdi oo ugu baaqay Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka Soomaaliya in ay dhexdhexaad ka ahaadaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaana caasimadda Muqdisho.

 

Nabaddoon Maxamed Cabdi waxaa uu soo dhaweeyay hadal dhawaan ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Captain Paddy Ankunda ee ahaa in qaab dib u heshiisiin iyo wada hadal ah lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna ka digay in awood loo isticmaalo Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa kulankan oo ka dhacay Daarta Amal Palaza ee Magaalada Muqdisho ka hadlay Nabaddoonnada kala ah Axmed Diiriye iyo Macallin Maxamed Ibraahim, kuwaasi oo  si qiiro leh uga hadlay dhibaatooyinka ka jirta magaalada Muqdisho iyo sida aysan ugu dul-qaadan doonin xasuuqa lagu hayo dadka Muqdisho.

 

Gunaanadkii shirkan ayaa waxaa laga soo saaray baaq loo jeediyay Beesha Caalamka, Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka, kaasi oo ahaa in aan awood loo isticmaalin  mushkiladda Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu jeediyay Dowladda Federaalka in ay joojiso dhibaatada ay ku heyso Dadka Muqdisho.

 

Shirkan ay isugu yimaadeen Xubnaha metelayay Beesha Hawiye ayaa wuxuu yahay shirkii labaad oo ay Beesha yeelato, wuxuuna shir midkan ka horeeyay ka dhacay Xaruntii Xero Jarmal ee Magaalada Muqdisho, inkastoo shirkaas ay mucaaradeen qaar ka mid ah Beelaha Hawiye  oo sheegay in aaney waxba kala socon shirkii ka dhacay Xero Jarmal.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).