12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho laga sugayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 20, 2007(HOL): Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ka soo degaan Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo ka soo kicitimaya Magaalada Baydhabo.

 

Wariyaheena C/raxmaan Diini oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha ay haatan ku sugan yihiin garoonka Diyaaradaha Baydhabo, isla markaana ay halkaasi ku sugayaan diyaaraddii u qaadi lahayd dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro sidii ay kulamo wada tashi ah ula yeelan lahaayeen dadka Muqdisho, isla markaana loogu sii diyaar-garoobi lahaa shirka ay Dowladda Federaalka ku baaqday ee la qabanayo 16-ka bisha soo socota ee April.

 

Labadan mas’uul ayaa marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho waxay ka dhigeysaa in ay seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ay ku wada sugan yihiin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, tiiyoo ay xusid mudan tahay in ammaanka magaalada uu yahay mid aan hagaagsaneyn.

 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay Dowladda Federaalka soo gaartay waxay noqotay mid ay ka dilaaceen kooxo dowladda ka soo horjeeda oo madaafiic la beegsaday goobaha ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, ilaa iyo haatanna ma muuqato tallaabo ay dowladda qaadeyso oo ay uga hortegeyso weerarrada lala beegsanayo, marka laga reebo in ay mar kasta sheegto in ay bilaabi doonto howlgallo ay ammaanka ku sugeyso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).