12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan oo sheegay in ay degayaan Isgoysyada Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 20, 2007(HOL): Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay dhawaan la wareegi doonaan gacan ku heynta Isgoysyada Magaalada Muqdisho.

 

Captain Paddy Ankunda oo u waramayay Idaacadda BBC-da qeybteeda Focus On Africa ayaa sheegay in ay horay ula soo wareegeen Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, haatanna ay doonayaan in ay la wareegaan Isgoysyada Muqdisho, si ay u sugaan Ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in ay doonayaan in ay taageeraan howlaha ay Magaalada Muqdisho ka waddo Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay  nabadgelyo u helaan dadka Muqdisho iyo Hay’adaha wada gargaarka Bani’aadannimada.

 

Captain Paddy Ankunda oo horay ula hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan dooneynin in ay Magaalada gudaha u galaan tan iyo inta ay kulamo kala yeelanayaan Bulshada Muqdisho, sidoo kalena ay dadka ka baranayaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo la wareegitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid horay loo ogaa, isla markaana howlaha ay Ciidamadan Muqdisho u yimaadeen ay tahay in ay ilaaliyaan xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa su’aali ka taagan tahay sida ay Ciidmaada Uganda ee ku howlgelaya magaca Midowga Afrika ay ugu sahlanaan karto in ay Isgoysyada Muqdisho  degaan, isla markaana ay ka howlgalaan iyadoo la ogyahay in ay Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah horay ugu qaadi jiray Ciidamaa Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).