Talaado, March 20, 2007(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Muqdisho ka bilowdeen madaafiicda ay is-weydaarsadaan Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa Magaalada Muqdisho la isku weydaarsaday madaafiicdii ugu badneyd.
Madaafiicdaas waxay geysteen dhimashada seddex ruux iyo dhaawac dad kale oo toban ruux ka badan, kuwaasi oo ay madaafiicda ku dhaceen iyagoo guryahooda ku fiidsanaya.
Madaafiicda oo ahaa kuwo la is-weydaarsaday ayaa waxay ku dhaceen Dekedda weyn ee Muqdisho, Xamar Ja-jab, agagaarka Isgoyska Howl-wadaag, Xarumihii Nabad-sugidda iyo Gaadiidka Booliska iyo agagaarka Hotelka Towfiiq, waxaana madaafiicdii xalay Muqdisho ka dhacday la isku raacay in ay ka badnaayeen 20 Madfac oo ay labada dhinac isku ridayeen.
Seddexda Ruux ee Madaafiicda ku dhimatay ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen Hooyo iyo Ubad ay dhashay oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaala xaafadda Xamar Ja-jab ee Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in madfaca gurigaas ku dhacay uu geystay dhaawaca labo caruur ah oo kale.
Hugunka Madaafiicda ayaa xalay laga maqlayay xaafad kasta oo Muqdisho ka mid ah, waxaana markii ay bilowdeen dadka soo wajahday cabsi aad u weyn, iyadoo weliba lagu jiray xili habeen ah oo qofkii dhaawac gaara aan la geyn karin Isbitaal sabab la xiriirta in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay mamnuuceen socodka gaadiidka ee habeenkii.
Madaafiicda tirada badan ee ay xalay isku rideen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo maalintii shalay ahayd uu Markab Qalab Ciidan iyo Gaadiid Gaashaaman u sida Ciidamada
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






