Isniin,
Raashinkaas ayaa wuxuu u xayiran yahay sabab la xiriirta Markab u kireysnaa Hay’adda WFP oo af-duub ahaan loogu heysto muddo afar asbuuc ah Xeebaha Puntland.
Markabka Af-duubka lagu heysto oo lagu magacaabo Mv Rozen ayaa wuxuu dib u dhigay markab kale oo Soomaaliya u qaadi lahaa raashin dhan 2,423 metric tonnes.
“Xaaladda Markabka Mv Rozen iyo shaqaalaha saaran oo 12 ruux ah, isla markaana u kala dhashay dalalka SriLanka iyo
Ms Savariaud waxay sheegtay in markabka u kireysnaa lagu heysto Biyaha Badda Puntland, gaar ahaan deegaanka Garacad, waxayna sheegtay in ay sidii loo sii deyn lahaa Markabkaas ay kala hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Puntland iyo Odayaal Dhaqameedyo, kuwaasi oo u muujiyay sida ay uga xun yihiin af-duubka loo geystay Markabka u kireysnaa.
Markabkan Mv Rozen oo raashin mucaawino ah oo gaaraya 1,800 metric tonnes ku soo dejiyay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ayaa isagoo faaruq ah waxaa uu ku sii jeeday Magaalada Mombasa ee Dalka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






