Isniin, March 19, 2007(HOL): Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay dabayaaqadii bishii hore waxaa la dhigay dad tiradooda lagu sheegay 1000 ruux, kuwaasi oo uu soo ritay shuban biyood.
Dadkaasi 18 ruux oo ka mid ah waa ay geeriyoodeen, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. C/risaaq Cali Xasan oo sheegay in dadkaas ay qabeen shuban biyood caadi ah, isagoo dhinaca kalena beeniyay in dadkaasi ay qabeen cudurka Daacuunka.
Dr. C/risaaq waxaa uu sheegay in Dadka Isbitaalka jiifa ay ka badan yihiin inta uu qaado Isbitaalka, waxaana taasi marag muujin u ah iyadoo gudaha Isbitaalka lagu arkayo dad qaba xanuunka shuban biyoodka oo geedaha hoostooda lagu daweynayo, iyadoo ay u gurmanayaan oo ay milanka Fuuq-celinta iyo Faleebooyin ay siinayaan Kalkaaliyayaal Caafimaad oo uu Isbitaalka leeyahay.
Isbitaalka Banaadir ayaa maanta oo kaliya waxaa la geeyay 85 Bukaan ah oo uu soo ritay shuban biyoodka, waxayna dhaqaatiirtu taasi ku tilmaameen mid aad u sii kordheysa, iyagoo ka codsaday hay’adaha samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan.
Agaasimaha Isbitaalka Banaadir waxaa uu baaq u diray Hay’adaha Samafalka oo uu ka codsaday in ay dawooyin iyo biyo nadiif ah la soo gaaraan Dadka uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka, isla markaana ay iska dhaafaan in ay isku mashquuliyaan ogaanshaha shubanka Soomaaliya ka jira waxa uu yahay.
Horayna, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali ayaa sheegtay in Shubanka ka jira Soomaaliya uu yahay shuban biyood caadi ah, waxayna waxba
“Annagu ma inkireyno cudur aan qabno, hayeeshee waxaan diidannahay in lagu sheego Dadka Soomaaliyeed wax aysan qabin”ayay tiri Drs. Qamar Aadan Cali oo intaas ku dartay in shubanka jira ay ka dhasheen kuleylaha jira iyo biyaha ay dadka cabayaan oo ah kuwo aan nadiif ahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






