12.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka oo Howlgallo ka bilaabay Xaafadaha Degmooyinka Magaalada Muqdisho Qaarkood

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 19, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ay ammaanka ku sugayaan waxay ka bilaabeen qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo ah kuwo dhawaan lagu soo tababaray xero Ciidan oo ku taala Deegaanka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxay saakay ka howlgaleen Xaafado hoos yimaada Degmooyinka Shangaani, C/Casiis iyo Shibis, iyagoo dadka iyo gaadiidkana baarayay.

 

Xaafadaha ay Ciidamadan baarista ka sameeyeen ayaa waxaa maalintii shalay ahayd ku dhacay madaafiic hoobiyayaal ah oo aan la ogeyn ilaa iyo haatan meel laga soo tuuran, walow la sheegayo in madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo ay is-weydaarsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ku kacsan.

 

Dadka ku dhaqan xaafadaha ay ciidamadan ka howlgaleen ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka Ciidamada Dowladda federaalka, waxayna sheegeen in aysan wax dhibaato ah u geysan, kaliyana ay baarayaan dadka iyo guryaha, iyagoo ka hortegaya dad nabadgelyo darro wada.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlo baaris ah ka sameynayeen inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo KM5, halkaasi oo dhowr jeer oo hore shaqaaqooyin loogu geystay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).