8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Muqdisho oo Taleefoonnada Gacan-qaadka ah Gariir la saarto marka guryaha la baxayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 15, 2007(HOL): Sida ay Cid kasta ka warqabto xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho beryahan ma wanaagsana, waxaana dib uga soo cusboonaaday dilalka iyo dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah.

 

Dadka Muqdisho waxay soo mareen muddo lix bilood ah oo ay si nabadgelyo u noolaayeen, xiligaasoo ay maamulka magaalada la wareegeen Maxkamadihii Islaamka ee awooddoodii la wiiqay dabayaaqadii sanadkii hore. Mudadaas uu talinayay Maamulkii Maxkamadaha Islaamka dadku cabsi kama qabin in la dilo ama la dhaco, waxaana guud ahaan deegaanadii ay maxkamadaha ka talinayeen ka yaraaday Burcaddii dadka dilka iyo dhaca u geysan jirtay.

 

Hadda Muqdisho waa meel ay ciddii ka carari karta ay nafteeda amreyso in ay ka cararto, waayo 24-kii saac ee kasta dad ayaa lagu dilaa, laguna dhacaa, iyadoo ay sii dheer yihiin madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dhanka kalena, beryahan waxaa aad u soo kordhaya dadka lagu dilayo Taleefoonnada Gacan-qaadka ah ee Mobiles-ka, waxaana xalay oo ugu dambeysay nin lagu dilay Suuqa Bakaaraha, xili uu u sii hoyanayay Gurigiisa, iyadoo ninkaasina laga dilanayay Mobile uu watay.

 

Dadku haatan waxay bilaabeen in ay Taleefoonnada guryahooda uga tagtaan ama marka ay muhiim u yihiin oo ay qaadanayaan ay codka ka jaraan, isla markaana ay gariir saartaan (Vibrating Alert), si aaney Tuugada Mobile-lada dhacda aysan dhawaqiisa ugu soo raacin.

 

Sidaasoo ay tahay waxaa la sheegaa in ay Tuugada isticmaalaan xeelad kale oo ay ku ogaan karaan in ay dadku wataan Mobile uu codka ka jaran yahay, waxayna xeeladdaasi tahay iyagoo soo qaata raadiyayaal yar yar oo Muqdisho gudaheeda looga dhegeysto Idaacadaha FM-yada ah ee ku yaala, kuwaasi oo magnad ahaan soo qabanaya Taleefoonka Mobile-ka ah haddii uu soo dhaco iyadoo uu gariir saaran, mararka qaarna waxay adeegsadaan xeelad kale taasi oo ah in ay ka dhawaajiyaan Taleefoon ay wataan, iyagoo kadibna eegaya cid is-taabeysa oo u maleyneysa in taleefoonka dhawaaqaya uu keeda yahay, dabadeedna waxay baartaan oo ay Taleefoonnada ka qaataan intii is-taabatay markii ay dhawaqa Taleefoonka maqashay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).