8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dowladda Federaalka oo taageero Dhaqaalae u raadineysa Shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 15, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq bixiyayaasha caalamka waxay ka raadineysaa taageero dhaqaale oo ay u hesho shirka dib u heshiisiinta ah ee ay dhawaan ku baaqday.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya ay ballanqaadeen in ay shirka dib u heshiisiinta ku bixiyaan lacag dhan 41.6 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay dalalka Deeqaha bixiya ay taageeri doonaan Shirkaas oo 16-ka Bisha April ee soo socota lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay qaban-qaabineyso Dowladda Federaalka uu yahay midkii ugu mudnaa ee taariikhda ka dhaca Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in natiijada shirkaas ka soo baxda ay noqon doonto mid ay Soomaalida isku cafiso, “Laakin annagu kaligeen shirkaas ma najixin karno, waxaana u baahannahay in ay Beesha Caalamka nagu garab gasho”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo wakiillo ka socday Dalalka Deeqaha bixiya Nairobi kula kulmay waxaa uu intaas ku daray in shirka ay qaban-qaabineyso Dowladda Federaalka uu yahay mid  lagu xalinayo mushkilado dhexmaray Qabaa’illada iyo Jufooyinka Soomaalida, kuwaasi oo ay u dhaxeeyeen dagaallo sokeeye tan wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore.

 

Iyadoo haddaba ay Dowlado badan oo Caalamka ah ay kula talinayaan Dowladda Federaalka in ay dib u heshiisiin la gasho Dhamaan qeybaha Soomaalida oo ay ku jiraan Xubno la sheegay in ay Qunyar socod yihiin oo Maxkamadihii Islaamka ka tirsanaa ayaysan hadana Dowladda Federaalka si cad u sheegin in ay shirka April ku casuuman yihiin Xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee, Mudada loo qabtay qabashada shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday oo ay ka harsan tahay muddo bil ah marka maalinta berri ah laga bilaabo ayaysan muuqan rajo uu shirkaasi uga dhici karo magaalada Muqdisho iyadoo aanan wax laga qaban xaaladda ammaan ee ay haatan ku sugan tahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).