Arbaco, March 14, 2007(HOL): Dadkani ayaa waxay qaxa bilaabeen kadib markii maalintii shalay ahayd ay dib uga bilowdeen madaafiicdii ay isku tuurayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo isku dhinaca ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Dadkani maanta ka qaxay magaalada Muqdisho ayaa waxay aadeen deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, si ay uga badbaadaan madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan.
Muddo labo todobaad ku dhow ayay dadka Muqdisho ka nasteen Madaafiicda ay isku ridayaan Dowladda Federaalka iyo kooxaha ku kacsan, iyadoo sababta ay u yaraadeen weerarradaas madaafiicda ahna lagu sheegay in uu dalka ka maqnaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isla shalay markii uu ku soo laabtay Xarunta Villa Somalia weerar lagu qaaday.
Madaafiicdii ay shalay is-weydaarsadeen labada dhinac ayaa waxay geysteen dhimasho iyo dhaawac tiro badan. Madaafiic laga soo riday dhinaca Dowladda ayaa waxay ku dhaceen Xeradii Cuuryaamiinta ee u dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyo Xaafadaha Towfiiq iyo Baar Ayaan, waxayna halkaasi ku dilay dad waa weyn iyo caruur guryahooda iska joogay, halka Hoobiyayaal ay tuureen Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay ku dhaceen Nawaaxiga Tiyaatarkii Qaranka ee Muqdisho, halkaasna waxaa ku dhinteen labo caruur ah oo walaalo ahaa.
Dadka Muqdisho ku dhaqan ayaa waxay aad uga walaacsan yihiin xaaladda soo food saartay kadib muddo lix bilood ah oo aysan wax madaafiic iyo rasaas ah maqlin, xiligaasi oo ay Magaalada Muqdisho talinayeen Maxkamadihii Islaamka.
“Dowladda Federaalka haddii ay sidaan ku sii socoto oo intey xerooyin gasho ay marka wax lagu tuuro madaafiic ku jawaabto, waxay lumin doontaa taageerayaal badan oo ay hadda leedahay, anigu waxaan qabaa in ay xeryaha ka soo saarto ciidamadeeda, isla markaana ay ku baahiso magaalada, si ay u baacsadaan kooxaha wax ku tuura”ayuu yiri Axmed Cabdi Nuur oo ka mid ah Odayaasha Xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho, kaasi oo aan wax ka weydiinay dareenkiisa kadib markii ay halkaas madaafiic dhowr ah ku dhaceen shalay galab.
Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa dorraad waxaa uu ansixiyay in ay Xukuumadda Federaalka iyo Madaxtooyada ay ku howlgalaan Magaalada Muqdisho, waxayse su’aali ka imaaneysaa sida ay labadaas hay’adood ugu shaqeyn karaan magaalada Muqdisho oo xaalkeeda ammaan uu ka sii darayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online