11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Askar Itoobiyaan ah oo Haweeney Soomaaliyeed ku kufsaday Deegaanka Cerfiid

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 13, 2007(HOL):  Labo Askari oo ka tirsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo  ku sugan Xero ku taala nawaaxiga Ceel Carfiid ee duleedka Muqdisho ayaa kufsi u geystay Haweeney socoto ahayd oo howlo ganacsi ugu sii jeeday Magaalada Muqdisho.

 

Haweeneydan oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Muqdisho waxay ku sheegtay in ay kufsadeen labo Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ay sheegtay in intii aysan kufsan ay jir-dileen, “Anigoo wata gaari Dameer aan Cows ugu waday Xamar ayay labadan Askari si kedis ah iiga soo hor-baxeen, kadibna intey i garaaceen ayay dhulka igu jiideen, weyna i kufsadeen”ayay tiri Suuban Maalin.

 

Suuban Maalin oo marka ay shirka jaraa’d qabaneysay uu dhinac fadhiyay ninkeeda ayaa waxay sheegtay in markii ay askarta Itoobiyaanka ay kufsadeen kadib ay u soo gurmadeen dadka deegaanka, kadibna ay u qaadeen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee SOS, hayeeshee ay Dhaqaatiirtii halkaasi ku sugneyd ay sheegeen in aysan waxba u qaban karin, markaas kadibna loo sii qaaday Isbitaalka Keysaney oo ah mid lagu daweeyo Dadka dhaawaca ah.

 

Suuban Maalin oo 37 sano jir, isla markaana dhashay 8 Caruur ah ayaa waxay intaas ku dartay in ay kula taliyeen dhaqaatiirtii joogtay Isbitaalka Keysaney in aysan muddo lix bilood ah nuujin canug yar oo nuujineysay, sidoo kale aysan kulan jinsi ah la yeelan Seygeeda, iyadoo ay dhaqaatiirtu sheegeen in mudadaas kadib laga baari doono Virus-ka HIV.

 

Axmed Cali Xasan oo ah seyga qaba Haweeneydan ayaa isna saxafiyiinta la hadlay, wuxuuna sheegay in xaaskiisa loogeystay xadgudub ka dhan ah bani’aadannimada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay xiriir la sameeyeen Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Ceel Carfiid iyo dhinaca Dowladda Federaalka, balse aysan ilaa iyo haatan helin wax jawaab ah.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu soo baxo kiis ku saabsan in ay Ciidamada Itoobiya kufsadeen Haweeney Soomaaliyeed tan iyo markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow dabayaaqada bishii December ee aynu ka soo gudubnay, ilaa iyo haatanna ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasi oo la xiriira tacadiga loo geystay Haweeneydan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).