11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Maxaa ka jira in shalay diyaarad gargaar geysay Muqdisho gantaal lagu weeraray?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 13, 2007(HOL): Diyaarad laga leeyahay Dalka Belerus oo gargaar geysay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in markii ay ku degeysay garoonka diyaaradaha Muqdisho gantaal lagu tuuray, balse aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin gantaalka lagu tuuray.

 

Wakaaladda Wararka Interfax  oo soo xiganeysay Saraakiil reer Belerus ah ayaa sheegtay in Diyaaraddaas oo wadatay magaca An Ilyushin Il-76 jet gantaal looga soo tuuray dhinaca Badda, xili ay caga dhiganeysay garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Saraakiisha ay soo xiganeysay Wakaaladda Wararka Interfax waxaa ay sheegeen in diyaaradda ay si nabdoon u caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay saarnaayeen dad gaarayay 15 ruux oo isugu jiray Shaqaalaha diyaaradda iyo Rakaab kale.

 

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay waday sahay loogu talagalay ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka nabad ilaalinta ah u jooga Soomaaliya, iyadoo uu soo kireystay Midowga Afrika.

 

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa diyaarad kale oo waday qalab Mileteri oo u socday ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga waxaa ka kacay Dab xili ay ku degeysay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dad ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay sheegeen in diyaaradda gantaal lagu dhuftay, halka ay mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Uganda-na ay sheegeen in diyaaradda ay cilad farsamo ku timid, isla markaana uusan jirin wax gantaal ah oo lagu dhuftay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).