11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uu dalka Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ka jooga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 13, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi aya sheegay in Ciidamada ka dalkiisa uu si dhaqsi ah uga baxsan doono Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in ay ciidamadaas 3 meelood hal meel ay bishii Janaayo ee sanadkan ay dalka Soomaaliya ka baxeen.

 

Meles Zenawi waxaa uu ka hadlay weerarrada lala beegsado Ciidamada Dalkiisa iyo kuwa Uganda ee dhawaan Soomaaliya tegay wuxuuna sheegay in aysan weerarradaas ahayn sida ay warbaahinta u buun-buuniso.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu sheegay in hal askari oo Uganda ah aan lagu waxyeeleynin Muqdisho tan iyo intii ay Muqdisho tageen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan arkeynin wax dib u dhigi kara geedi socodka dib-u-heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah oo wax ka qabasho u baahan.

 

Meles Zenawi, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu sheegay in Caasimadda Soomaaliya ay tahay magaalooyinka ugu hubka badan Adduunka, wuxuuna Muqdisho ku tilmaamay in ay tahay caasimadda Dal guul-dareystay.

 

Mar wax laga weydiiyay in ay wax iska bedeleen qorshihii ciidamo u dirista Soomaaliya ee dalalka Nigeria, Ghana, Burundi iyo Malawi waxaa uu sheegay in aysan wax iska bedelin, sida uu rajeynayana ay dalalkaasi Ciidamo si dhaqsi ugu diri doonaan Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay mid fowdo ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya ay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ay ka saareen Xoogaggii iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, waxaana ka dhaca dilal loo geysanayo dad rayid ah iyo weerarro lagu qaadayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).