Talaado, March 13, 2007(HOL): Afhayeenka Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho Captain Paddy Ankunda ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka in ay dalka Soomaaliya dib ugu soo noqdaan, isla markaana ay ka qeybqaataan soo celinta nabaddii Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada
Paddy Ankunda oo u waramayay Wariye Mahad Axmed Cilmi oo ka tirsan Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu intaas ku daray in ay doonayaan in ay bartaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in haatan kulamo la leeyihiin qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Hadalkan uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu dhawaan ku baaqayay shir dib u heshiisiineed oo magaalada Muqdisho lagu qabto, waxaa uu sheegay in shirkaas oo ay ka qeybgelayaan ilaa 3000 oo ergay ay isugu imaanayaan Qabaa’illada Soomaalida ee colaaddu dhexmartay, isagoo caddeeyay in shirkan uusan ahayn mid siyaasad looga hadlayo balse uu yahay mid ay Qabaa’illada Soomaaliyeed uga heshiinayaan wixii dhexmaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online