Isniin,
Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf Yare) oo dalka Dibadiisa ka yimid ayay Fannaaniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan u doorteen Gudoomiye, iyadoo kulankii lagu dooranayay Abwaanka ay ka qeybgaleen Fannaaniin badan oo gudaha dalka ku dandareysnaa.
Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf Yare) ayaa markii la doortay kadib waxaa uu u sheegay fannaaniintii dooratay in uu wax ka qaban doono xaaladda adag ee ay ku nool yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale uga farxiyay in ay dhamaadka bishan ay mushaarkii ugu horeeyay ay qaadan doonaan, iyadoo ballanqaadkaasna ay Fannaaniinta si weyn ugu farxeen.
Abwaan Yuusuf Yare, waxaa uu sheegay in uu dalka Soomaaliya u yimid sidii uu sare ugu soo qaadi lahaa niyadda Fannaaniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan, wuxuuna caddeeyay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo ka qeyb-qaadaneyso sare u qaadida Fanka Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Fannaaniin ka tirsanaa kooxihii faneed ee ka jiri jiray dalka Soomaaliya, kuwaasi oo markii ay bur-burtay Dowladdii hore ay la soo deristay xaalad nololeed oo aad u daran, iyadoo Fannaaniinta qaarkood ay la soo darseen xanuunno uu ka mid yahay dhiig karka, kaasi oo markii uu ku dhacay kadib naafo ka dhigay qeybo ka mid ah jirkooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online