Isniin,
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuuuf Axmed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u jeediyay talo ah in ay Xukuumadda iyo Madaxtooyada u guuraan Magaalada Muqdisho, kadibna Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa uu ka codsaday in ay u codeeyeen si gacan taag ah soo jeedinta Madaxweynaha.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Xildhibaanada Baarlamaanka u qudbeeyay ayaa sheegay in marka laga reebo wasiirro kooban iyo howl-wadeenada Madaxtooyada qaarkood ay inta kale u guuri doonaan Magaalada Muqdisho oo sida uu yiri ay howl badani taalo.
Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay isku raaceen in ay Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay u guuraan Muqdisho, waxayna 171 Mudane oo ka mid ahaa 190 Mudane oo kulankii saaka fadhiday ay si gacan taag ah ugu codeeyeen in Xukuumadda iyo Madaxtooyada u guuraan Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho oo aysan xaaladdeeda ammaan hagaagsaneyn ayaan la ogeyn sida ay Xukuumadda Federaalka uga shaqeyn doonto, iyadoo la og-yahay in Xarumo iyo fariisimo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah lagu qaado.
Dhanka kalena, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa maanta wuxuu Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday uu yahay mid aaney dowladda hagi doonin, wuxuuna caddeeyay in shirkaasi ay gar-wadeen ka noqon doonaan dad horay xilal uga soo qabtay dalka Soomaaliya, balse aan hadda wax mas’uuliyad ah heynin.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu intaas ku daray in doorka dowladda ee shirkaas uu noqon doono in ay ammaanka sugto iyo in ay shirka dhaqaale u raadiso, isla markaana ay la socoto qaabka dhaqaalahaas loo maamulayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online