Isniin, March 12, 2007(HOL): Kulanka oo ahaa kii ugu horeyay oo ay soo qaban-qabiyaan Ganacsatada gobalka Hiiraan laguna soo bandhigay qaab dhismeedka gudi cusub oo ay ku mideysan yihiin ganacsatada gobalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta maamulka heer gobal iyo degmo, Duubabka dhaqanka, wasiir ku xigeenka wasaarada garsoorka dowlada federaalka, Aqoon-yahano iyo waliba marti sharaf ka kala socta qeybaha kala duwan ee bulshada.
godoomiyaha cusub ee gudiga ganacsatada gobalka Hiiraan Xasan Shiikh Axmed oo hadal kooban halkaa ka soo jeediyay, ayaa sharaxaad waxaa uu ka bixiyay ujeedooyinka ururka loo aas aasay iyo waliba wax yaabaha looga fadhiyo in uu wax badan ka qabto, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay gudoomiyuhu Fatahaadii dhaweyd ee uu gobalku ka saameeyay wabiga Shabeele oo sida uu tilmaamay hadii ay ganacsatadu mideysan yihiin ay suurta gal tahay in ay wax badan ka qaban la haayeen, waxaana uu intaa ku daray in gudiga cusub ee hada lagu dhawaaqay uu noqon doono mid wax badan ka qabta howlo sida uu carabka ku adkeeyay markii hore ganacsatadu midnimo la’aan jirta uga gaabiyeen.
Hadalka gudoomiyaha cusub ee ganacsatada gobalka oo siweyn loo soo dhaweeyay ayaa waxaa sidoo kale sii adkeeyay ku xigeenkiisa C/laahi Max’ed Rooraaye oo sheegay dhinaciisa in gudiga cusub wixii hada ka danbeeya uu u guntan doono sidii meel laysugu geeyn lahaa xooga iyo dhaqaalaha ganacsatada oo dhan si markaa meel looga soo wada jeesto wax ka qabashada dhibaatooyinka la xirira amrimaha bulshada, sida Abaaraha, fatahaadaha, iyo waliba xitaa dhinaca nabad galyada oo wax weyn ay ka qaban doonaan.
Munaasabada oo dhinacyadii ka soo qeyb-galay ay soo dhaweeyeen dhismaha gudiga cusub ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Avv Yuusuf X. Cilmi oo sheegay in maanta dunidu marka ganacsi ahaan la eego wax ay ku horumartay ay tahay midnimada, gaar ahaan waxaa uu Avv Cilmi carabka ku dhuftay hodantinimada dhulkeena Soomaaliya oo haddii la helo maskax mideysan wax badan laga faa’iidi lahaa, waxaana uu ku booriyay gudiga cusub in dhawaan laga arko dhaq-dhaqaaq iyo waliba hor mar ay ku sameeyaan dhaqaalaha gobalka.
Faadumo Macalin oo ah xubin ka tirsan ganacsatada ayaa kulanka ka dhax sheegtay oraah siweyn loo soo dhaweeyay taasoo la xiriita dhismaha gudiga iyada oo ku tilmaamtay gudigan cusub ee ganacsatadu leeyihiin in uu la micno yahay hay’ad samafal ah oo ku soo biirtay hay’adihii horay gobalka u sii joogay.
Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Mux’ed Maalin oo ka mid ahaa mas’uuliyiitii kulanka ka hadashay ayaa sheegay in dhinacooda ay soo Midnimada ganacsatada goablka oo sida uu hadalka u dhigay maamulku wax badan uu kala tashan doono gaar ahaan dhinaca nabad-galyada oo la
Sidoo kale Mas’uuliyiitii ka hadashay kulanka ayaa waxaa mid ahaa wasiir ku xigeen wasaarada Garsoorka Xasan Buraale Max’ed oo siweyn u amaanay is abaabulka ay sameeyeen ganacsatada waxana uu sheegay in dhawaan dowladu sameyn doonto qaab-dhismeed ay ku wada shaqeeyaan ganacsatada guud ee dalka, waxaan la oran karaa ayuu yiri gobalka hiiraan kaalinta koowaad uu ku lee yahay maadaama iyada oo aan cidna wax laga sugin ganacsatadu isku tashatay.
Xiriiriyaha Xarunta Cilimi Baarista iyo wadatashiga CRD ee gobalada dhexe Eng. Max’ed Xasan Kulmiye oo si weyn ula socday dhismaha gudigan cusub maadaama hay’ada CRD la oran karo waa tan dhinacyo badan ka taageertay dhismaha gudiga, ayaa u sheegay Hiiraan online in kulankii ugu horeeyay ee lagu abuulay in ganacsatadu midowdo la qabtay 10kii September, 2006, laakiin wada tashiyo iyo kulamo faro badan ka dib kii ugu weynaa ee dhamaan ka soo qeyb-galaan ganacsatadu uu dhacay 20 feb. 2007 kaa soo laysla gartay markii la eegay jiritaan la aanta gudi ganacsato iyo waliba sharuuc ay leeyihiin in layska dhax xulo gudi ka gooban 21 kuwaasoo isugu jira maamulka iyo xubnaha uruka, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale laysku af-gartay in Gudiga cusub uu shaqeynayo mudo 1 sano ah.
Eng. Kulmiye ayaa mar uu ka hadlayay waxyaabaha gudigu mutada halka sano ah uu qabanayo waxaa uu sheegay in uu diiwan galinayo ganacsatada iyada oo laysku raacinayo sida ay isugu meherad dhaw yihiin, sidoo kale waxaa mutada sanadka ah uu gudigu xooga saari doonaa dhameynta xeer dhaqameedka iyo shuruucda ganacsi, dhismaha gudiga ganacsatada heer degmo, iyo waliba diyaarinta qaabka doorashada danbe oo si duquraadiyad ah u dhacda.
Madaxa CRD ayaa sheegay mar uu kulanka ka hadlay in la oran karo waxaa xal loo helay khilaafaadkii gobalka mar haddii ay midoobeen ganacsatadu, taasoo macnaheedu u dhacayo in mar walba ganacsatadu yihiin furaha iyo xeraha colaadaha ka jira qeybaha kala duwan ee dalka, isaga oo kula dar daarmay in mar walba xooga la saaro dhinaca nabad-galyada oo hadii la waayo wax qabsoomi karaa aysan jirin, waxana ugu danbeyntii kulanka soo xiray Ugaas C/raxmaan Uguaas khaliif oo wakiil ka ahaa duubabka dhaqanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online