Isniin, March 12, 2007(HOL): Xaflad ballaaran oo lagu qabtay Dalka
Qalabkan Isboorti ayaa waxaa guddoonsiiyay Wakiilka Isboortiga Puntland Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka
Saadaq Maxamed Aadan Suujino oo xafladda qalabka lagu guddoonsiinayay ka hadlay ayaa wuxuu mahadcelin ballaaran u jeediyay Ururrada Soomaaliyeed ee ugu deeqay Qalabka Isboortiga, wuxuuna sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in ay dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay doonayaan inay horumariyaan dalkooda dhinac walba.
Saadaq waxaa uu intaas ku daray in horumarinta Isboortiga ay tahay mid loo baahan yahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Isboortiga uu yahay aalad lagu daweyn karo waxyaabaha Soomaaliya maanta la degay ee ay qabyaaladda ugu horeyso, “Isboortiga waa meesha kaliya ee la isugu imaan karo, isla markaana ka fiyow qabyaalad, waxaana qabaa in haddii la horumariyo uu keeni karo bulsho caafimaad qabta oo isku dhex jirta”ayuu yiri Saadaq Aadan Maxamed.
Wakiilka Isboortiga Puntland ee dalalka Scandinevian-ka howshiisa kaliya kuma koobna horumarinta Isboortiga Puntland, wuxuuna horay u gaarsiiyay Deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya Qalab Isboorti, inkastoo uu u sii marsiiyay Maamulka Isboortiga Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online