9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dad loo xiray in ay lug ku lahaayeen Qarax Kismaayo loogu geystay Saraakiil Soomaaliyeed oo la sii daayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 12, 2007(HOL): Maxkamadda Racfaanka Magaalada Kismaayo ayaa waxay sii deysay shan ruux oo loo soo qabtay in ay lug ku lahaayeen ama xitaa ay wax ka ogaayeen qarax ay saraakiil badan  oo Soomaaliyeed ay ku dhaawacmeen kaasi oo dhawaan ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Kismaayo.

 

Shantani ruux ayaa la iska sii daayay kadib markii lagu waayay dembigii loo soo qabtay ee ahaa in ay ku lug lahaayeen qaraxii ay ku waxyeeloobeen saraaakiil dhowr ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib muddo ay xabsi ku jireen.

 

Dhanka kalena, ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa sii xumaanaya kadib markii ay halkaasi isaga tageen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada ku sugnaa, waxaana la sheegayaa in habeenkii xalay ahaa nin dhalinyaro ah lagu dilay xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, halka ka sii horna labo nin oo kale lagu dilay isla Magaalada Kismaayo.

 

Iyadoo ay falalkaas nabadgelyo darrada ah dib uga soo cusboonaadeen Magaalada Kismaayo ayay hadana Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan waxay wadaan dadaal ay ku soo celinayaan ammaanka guud ee magaalada oo haatan u muuqda mid xakameyn u baahan.

 

Ciidamada haatan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay yihiin kuwo dhawaan lagu soo tababaray Xerada Lug-low ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay ka kooban yihiin dhamaan beelaha dega gobollada Jubbooyinka, sida uu dhawaan shaaciyay Taliyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Col. C/risaaq Af-Gaduud.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).