9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in aysan ka noqon doonin go’aankii ay ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 12, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in aaney ogolaan doonin dhuxul kale laga dhoofiyo Dhulka Soomaaliya, iyadoo hadalkan dowladdana uu ku soo beegmayo xili  ay ganacsato dhuxusha dhoofisa ay ka dalbanayaan Dowladda in ay waqti siiso si ay u dhoofiyaan dhuxul u diyaarsan.

 

Wasiirka Deegaanka iyo Maareynta Aafooyinka Maxamed Maxamuud Xeyd ayaa sheegay in aan ganacsatada laga aqbaleynin codsiga ay soo jeediyeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in codsigoodaas ay qayaano ku hoos jirto, taasi oo uu ku sheegay in ay doonayaan in marka waqti la siiyo ay dhuxul hor leh soo shidaan.

 

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in joojinta dhoofinta dhuxusha uu horay wareegto uga soo saaray madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Xukuumaddana ay haatan sharci ka soo saareyso, wuxuuna caddeeyay in ay waajib ugu muuqato  in la joojiyo dhoofinta dhuxusha, bacdamaa laga sameeyo dhir uu dhulka Soomaaliyeed u baahan yahay.

 

“Dhirta la jarayo waxay yareysaa carrada guureysa ee nabaad-guurta, roobka ayay imaanshihiisa muhiim u tahay, dabeysha ayay yareysaa, bilicda deegaanka ay bishaa, marka suurtagal ma ahan in aan fasaxno in dalka dhirtiisa la nabaad guuriyo”ayuu yiri Wasiirka Deegaanka iyo Maareynta Afooyinka Maxamed Maxamuud Xeyd.

 

Wasiirka waxaa uu ku eedeeyay Ganacsatada dhuxusha dhoofisa in ay jaridda geedaha u sameysteen Miishaar koronto ah oo daqiiqadiiba geedo badan jareysa, halka ay markii hore adeegsan jireen Masaar ama Gudin aysan wax badan ku goyn karin, “Waxaa imaan doonta in dadka jara Dhirta ay Maxkamad mutaan, waayo waxay dalka ka gelayaan dembi aad u weyn oo keeni kara xaaluf ku yimaada deegaanka”ayuu yiri Wasiirka.

 

Maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay soo saareen amar ay ku joojinayeen dhoofinta dhuxusha, walow xukunkoodii uu meesha ka baxay iyadoo ay ganacsatada dhuxusha dhoofisa ay qabaan fasax muddo labo bilood ah oo ay ku dhoofsan karaan dhuxul  u sameysneyd

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).