9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Gaadiidka Gaashaaman ee ay ku howlgelayaan Ciidamada Uganda oo Mombasa laga soo qaadayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 12, 2007(HOL): Sida ay shaacisay Jariidada Daily Nation ee ka soo baxda magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socota magaalada Mombasa daabulidda gaadiidka gaashaamanka iyo kuwa saadka ee ay isticmaalayaan Ciidamada Uganda ee dhawaan la geeyay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Gaadiidkan oo Tariinno looga keenay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa haatan si loo gaarsiiyo Magaalada Muqdisho waxaa lagu qaadayaa Markab lagu magacaabo Mv Global Provider, kaasi oo uu soo kireystay Midowga Afrika.

 

Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay heystaan gaadiid yar oo kuwa dagaalka ah, kuwaasi oo diyaarado lagu geeyay Muqdisho, waxayna howlgallo ay sameeyaan ciidamadan ay ku xiran tahay iyadoo ay gaadiidkaas gaashaaman soo gaaraan.

 

Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya oo la sheegay in ay kor u dhaafayaan kun Askari ayaa markii ay gaareen Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo dhaweeyay Madaafiic lagu tuuray garoonka Diyaaradaha Muqdisho xili ay halkaas ka soo degayeen, kadibna waxaa ku xigay weerar loogu geystay Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

 

Dalalka kale oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa la filayaa in ay ciidamo u diraan Soomaaliya, waxaana dalalka ilaa iyo haatan caddeeyay in ay ciidamo dirayaan ka mid ah Nigeria, Burundi, Ghana iyo Malawi, inkastoo ay jiraan dalal kale oo caddeeyay in aysan ciidamo u direynin Soomaaliya balse ay siyaabo kale uga qeybqaadanayaan howlgalka nabad-sugidda Soomaaliya, sida  Dowladda Al-Jeeriya oo iyadu bixisay Diyaaradihii Muqdisho lagu geeyay Ciidamada Uganda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Soomaaliya oo aan wax nabad ah laga aqoonin tan iyo wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray Dowladdii Mileteriga ahayd ayaa haatan waxaa la isku dayayaa in la soo celiyo nabadgelyadii iyo xasiloonidii ka jiri jirta, inkastoo ay jiraan dad badan oo ay nabadgelyada dhibeyso oo iyagu fowdo iyo dhibaato u joog ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).