Axad, March 11, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay Magaalada Muqdisho ku baahiso Ciidamo wax ka qabta ammaan darrada ka jirta Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka, isla markaana uu tababar ugu soo dhamaaday Xero ku taala Deegaanka Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maalintii shalay ahayd waxay soo galeen Magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Ciidamadaas loogu talagalay in ay wax ka qabtaan amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in si dhaqsi ah loo howlgelinayo Ciidamadan oo laga soo uruuriyay Gobollada dalka Soomaaliya.
Qorshaha ay Dowladda Federaalka dooneyso in ay wax uga qabato xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dilal loo geysanayo dadka rayidka ah iyo qaraxyo lala beegsanayo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee ka socda Dowladaha Itoobiya iyo Uganda. 24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay waxaa lagu dilay Deegaano hoos yimaada Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir afar ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa nin u shaqeynayay Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways oo lagu magacaabi jiray Salaad Awoowe.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxay is-weydiinayaan sababata ay Dowladda federaalka wax uga qaban la’ dahay amni darrada jirta, bacdamaa ay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka qaarkood ay sheegayaan in la yaqaano kooxaha amni darrada wada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online