10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho oo lagu weeraray Deegaanka No. 60

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 11, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay gaadiidka dagaalka, isla markaana ku soo jeeday Magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraray Deegaanka No. 60  ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo wararka halkaas naga soo gaarayana ay sheegayaan in weerarkaas ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ka soo tegay Magaalada Kismaayo dabayaaqadii todobaadkii hore  ayaa waxaa la sheegay in ay waxyeello ka soo gaartay labo ka mid ah gaadiidkii ay wateen kadib markii lala beegsaday waxyaabaha qarxa.

 

Dadka ku dhaqan Deegaanka No.60 iyo darawallada gaadiidka BL-ka ah ee isticmaala wadadaas ayaa sheegay in ay maqleen qarax weyn oo lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ah, waxayna dadka qaarkiis ay sheegayaan in waxa lagu qarxiyay Ciidamada Itoobiyaanka ay yihiin Miino, halka kuwo kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Baasuuke lagu tuuray Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii uu weerarkaas qabsaday kadib waxay hakiyeen socodkoodii ku wajahnaa magaalada Muqdisho, waxayna xalay ku baryeen deegaanka No. 60 oo ay difaac ka galeen, iyagoo saakayna la filayo in ay socdaalkooda sii wataan.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa tan iyo markii ay dalka Soomaaliya yimaadeen waxaa lala beegsadaa weerarro gaadmo ah, iyadoo weeraradaasina ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kalena, Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa markii ay soo faarujiyeen Ciidamada Itoobiyaanka waxaa laga soo sheegayaa xaalad ammaan darro, iyadoo dad lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay. Ciidamada Dowladda Federaalka ee ay Ciidamada Itoobiyaanka ku soo dhaafeen Magaalada Kismaayo ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay u xakameyn lahaayeen amni darrada ka soo cusboonaatay Magaalada Kismaayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).