9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Gobollada Jubbooyinka oo halkaas isaga baxay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, March 09, 2007(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa halkaas isaga soo baxay, waxayna xilkii ku wareejiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidamada Guutada koowaad ee Dowladda Federaalka Col. C/risaaq Af-gaduud ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay gobollada Jubbooyinka uga baxeen wax uu ku tilmaamay aag-bedelasho.

 

Taliyaha wuxuu intaas ku daray in Ciidamada Itoobiyaanka ay u dhamaadeen howshii ay u joogeen Gobollada Jubbooyinka oo uu ku sheegay in ay ahayd inay ku sii simaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo tababar uu uga socday Xerada Lug-low.

 

Col. C/risaaq Af-gaduud waxaa uu ka gaabsaday in uu sheego halka ay Ciidamadaas u jiheysteen, wuxuuna sheegay in ay taasi sir ciidan tahay, isla markaana uusan dooneynin in uu sheego.

 

Ciidamadaas oo ka soo gudbay Degmada Jilib ayay warar aan si rasmi ah loo xaqiijin sheegyaan in ay labo magaalo mid aadi doonaan,  waxayna Magaalooyinkaas kala yihiin Baydhabo iyo Muqdisho oo ay horay ugu sii sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Magaalada Kismaayo ayaa intii ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiyaanka waxaa looga dilay hal askari, halka mid kalena laga dhaawacay, iyadoo xiliga askartaas waxyeelada loo geysanayay ay ka adeeganayeen Suuq ku yaala Magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kalena, Magaalada Kismaayo ayaa intii ay joogeen Ciidamada Itoobiyaanka waxaa dhibaato loogu geystay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kadib markii Bambo gacmeed lagu tuuray Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Kismaayo oo ay ka socotay Xaflad lagu soo dhaweynayay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdi Mahdi C/salaan iyo Saraakiil la socotay, halkaasi waxaa ku dhaawacmay Saraakiil dhowr ah oo qaarkood haatan dhaawacooda lagu soo dhaweynayo dalka Dibaddiisa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).