9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Cadde Gaabow oo sheegay in sharciga la hor keeni doono Kooxaha ka dambeeya Falalka Nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 08, 2007(HOL): Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo maanta ka hadlayay xaflad lagu xusayay maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa wuxuu sheegay in uusan maamulka gobolka Banaadir ogolaan doonin in magaalada Muqdisho ay noqoto meel qas iyo fowdo ku caan baxday.

 

Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qaban doono xaaladaha Nabadgelyo darro ee ka jira magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in kooxaha ka dambeeya falalka nabdgelyo darrada ah la soo qaban doono, isla markaana sharciga la hor-keeni doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Duqa Magaalada Muqdisho waxaa kale oo uu u digay Dad uu sheegay in ay beryahan bilaabeen in ay Qalabka warbaahinta isu mariyaan eedeymo iyo hadallo la isaga hor-keenayo dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in aan la ogolaan doonin in dadka la iska hor-keeno oo la soo celiyo sida uu yiri Qadkii Cagaarnaa ee kala qeybin jiray Gobolka Banaadir.

 

Dhanka kalena, waxaa ka hadlayay Xafladdii lagu xusayay 8-da Maarso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed), waxayna labaduba baaq hambalyo ah oo ay u direen haweenka adduunka guud ahaan, gaar ahaana Haweenka Soomaaliyeed kadib ay ka codsadeen Haweenka Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan nabadeynta iyo xasilooni ku soo dabaalidda Dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena waxaa xafladdaas oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ka hadlay Madaxa Baarista Xadgudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha C/llaahi Calas Jimcaale, wuxuuna ka codsaday Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda  in ay nabadda dhowraan, isla markaana ay joojiyaan weerarrada ay waxyeelada ka soo gaareyso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).