9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo 10 Qaboojiye ugu deeqday Isbitaalka Madiina

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 08, 2007(HOL): Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa 10 qaboojiye oo kuwa guryaha lagu xiro ah waxay ugu deeqday Isbitaalka Madiina oo ay ka duugoobeen Qaboojiyayaashii uu horay u lahaan jiray.

 

Shirkadda ayaa deeqdan gaarsiiyay kadib markii uu maamulka Isbitaalka Madiina uu gaarsiiyay codsi ku saabsan in ay Isbitaalka ugu deeqdo qaboojiyayaal uu aad ugu baahan yahay.

 

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Shiikh-doon Salaad Cilmi ayaa sheegay in ay saakay xiriir la sameeyeen mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud, isla saakayna ay ka codsigoodii ka soo jawaabeen oo ay ugu deeqeen ilaa 10 qaboojiye.

 

Agaasimaha wuxuu intaas ku daray in Qaboojiyayaashii uu Isbitaalka lahaan jiray ay duugoobeen, isla markaana ay qeybaha Saalada Qalliinka iyo keydka dawada ay ahaayeen kuwo ay dhibaato ka jirtay, “waxaa dhici jirtay in dhididka dhaqaatiirta madaxooda ka hoora uu ku dhibco jirka qofka bukaanka ah ee Qalliinka lagu sameynayo, sidoo kalena waxaa kululaan jirtay qeybta keydka dawada, hayeeshee haatan wixii ka dambeeya baahidaas waa ay daboolmi doontaa, waxaana u mahadcelineynaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo baahidaas dabooshay”ayuu yiri Dr. Shiikh-doon Salaad Cilmi.

 

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah Seddex shirkadood oo adeeg Isgaarsiineed ka hirgeliyay Dalka Soomaaliya wixii ka dambeyay bur-burkii Dowladdii hore ayaa dhowr jeer oo hore waxay kaalmooyin kala gedisan geysay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, iyadoo sidoo kalena la xusuusto kaalinkii ay ka geysatay gurmadkii loo sameeyay dadkii ku waxyeeloobay Abaarihii sanadkii 2005 ku dhuftay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa jiifa bukaano qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay weerarrada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxayna Dhaqaatiirta Isbitaalka ay sheegayaan in Bukaanada Isbitaalka jiifa ay ka badan yihiin sariiraha Isbitaalka yaala oo ka yar 70 sariirood.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).