9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sheegay in Soomaaliya ay heysato Jaaniskii ugu wanaagsanaa oo nabad ay ku heli karto

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 08, 2007(HOL): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato fursaddii ugu wanaagsaneyd oo nabaddeedii lagu soo celin karo.

 

Warbixintiisii ugu dambeysay ee uu UN-ka siiyay ayuu Mr. Ban Ki-moon uga waramay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kadib qas iyo fowdo muddo dheer ka taagnaa dalka Soomaaliya haatan la helay jidkii Nabadda Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray Dowladdii Mileteriga ahayd ee 21-ka sano ka talineysay Soomaaliya.

 

Mr. Ban Ki-Moon waxaa uu baaq u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in ay soo celinta xasiloonida iyo sharcigii iyo kala dammbeyntii ay ku raadiso qaab wada hadal iyo dib u heshiisiin ah, iyadoo la hadleysay qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Wuxuu ballan qaaday in ay Qaramada Midoobay sii wadeyso taageeridda Dowladda Federaalka iyo Bulshada Rayidka, si wax looga qabto dhibaatooyinka hor istaagi kara in Dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo nabad waarta.

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu soo dhaweeyay Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee uu Midowga Afrika u dirayo Soomaaliya, wuxuuna baaq u diray Beesha Caalamka, kaasi oo ah in ay taageeraan Ciidamo geynta Soomaaliya

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay isugu raacay in Ciidamo ka socda Midowga Afrika Soomaaliya loo diro, kuwaasi oo howshoodu ay noqoneyso in ay caawiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay u soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya ka jiri jirtay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).