9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya Nairobi oo sheegay in Dowladda ay u wada guureyso Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 08, 2007(HOL): Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay u wada guuri doonto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Safiirka waxaa uu sheegay in ay Dowladda u guuri doonto Muqdisho marka ay Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee ka socda Midowga Afrika ay gaaraan, wuxuuna caddeeyay in markaasi kadib ay dowladda awood u yeelan doonto in ay qabato adeegyada ay dadka u baahan yihiin.

 

Maxamed Cali Ameeriko oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo Xildhibaanada ay  u wada guuri doonaan Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay gacanta ku wada heyso Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana caasimadda Muqdisho, inkastoo uu xusay in ay ku sugan yihiin kooxo aan nabad rabin oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.

 

“Dadka Soomaaliyeed waa ay ka soo daaleen dagaallo sokeeye, waxayna u heelan yihiin nabad, waxaana haatan dadaalkaas nabad soo celinta ah ku guda jira Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Midowga Afrika oo iskaashanaya”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi.

 

Haddaba iyadoo uu Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi uu sheegayo in ay Dowladda Federaalka u soo guureyso Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa caasimadda Soomaaliya ka dhacaya weeraro lala beegsanayo Xarumaha iyo Fariisimada Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee caawinaya, iyadoo weerarkii ugu dambeeyayna xalay lala beegsaday Ciidamada Uganda ee doorraad iyo shalay soo kala gaaray Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).