9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Khasaaraha Dhimasho ee ka dhashay Weerar xalay dhexmaray Ciidamada Uganda iyo Kooxo hubeysan oo sii kordheysa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 08, 2007(HOL): Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada ah ee uu geystay weerar xalay ku dhexmaray Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho Ciidamada Uganda ee ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika iyo Kooxo hubeysan oo Soomaali ah.

 

Ilaa 9 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku naf waayeen weerarkii xalay, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo 15 ruux ka badan, kuwaasi oo dhamaantood rayid ahaa.

 

Dadka dhintay ayaa saakay laga soo saaray halkii ay naf baxeen oo ah gudaha labo maqaayadood oo ku yaala Isgoyska KM4, iyadoo dad goob joogayaal ah ay ii xaqiijiyeen in dad meydka ah qaarkood laga soo qaaday kuraastii ay ku cunteynayeen oo ay naftu kaga baxday kagadaal markii ay rasaas iyo firirka madaafiicdii la isku ridayay ay ugu tageen.

 

Dadka dhaawaca noqday oo iyaguna la geeyay Isbitaalka Madiina ayaa xalaaddooda laga deyrinayaa, waxayna dhaqaatiirta ku howlan daweyntooda ay sheegayaan in dhaawacyada qaarkood Isbitaalka la gaarsiiyay iyagoo aad u dhiig baxay sabab la xiriirta iyadoo aan loo helin gaadiid lagu qaado. Magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaqa Gaadiidka habeenkii lama ogola, waxaana mamnuucay isticmaalka gaadiidka ee habeenkii Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Isbitaalka Madiino oo inta badan la geeyo dadka ay waxyeellada ka soo gaarto isku dhacyada dhexmara Kooxaha la baxay Muqaawamada Shacabka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ee caawinaya ayaa haatan wuxuu noqday mid ay jiifaan dhaawacyo ka badan inta uu qaadi karo, waxayna dhaqaatiirtu ku baaqayaan in la joojiyo isku dhacyada ay dhibaatada ka soo gaareyso dadka rayidka ah.

 

Dhanka kalena, waxaa saakay ka degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho cutubyo kale oo ah Ciidamo ka socda Dowladda Uganda, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciidamo uu Midowga Afrika ku taageerayo nabadeynta Soomaaliya, waxayna ciidamada ka socda Uganda ee saakay gaaray magaalada Muqdisho ay noqonayaan qeybtii seddexaad ee halkaas diyaarado lagu geeyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).