11 C
London
Thursday, October 23, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo saakay kulan ku wada leh Magaalada Gaalkacyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 07, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen, Cadde Muuse Xirsi ayaa la filayaa in ay saaka kulan ku wada yeeshaan Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlaya sidii ay isu kaashan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaana dhinacyada dhaqaalaha, xasilinta dalka iyo sii wadida dib u heshiisiinta. Ciidamo badan oo ka amar qaadan jiray Maamulka Puntland ayaa haatan waxay ku sugan yihiin Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo Dowladda Federaalka mas’uuliyiinteeda ay ku howlgalaan.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa intii uusan halkaasi tegin wuxuu socdaallo ku soo kala bixiyay Dallka Kuweyt iyo Imaaraadka Carabta oo uu martiqaad rasmi ah  ka helay.

 

Ka sii horna wuxuu madaxwynaha socdaallo ku tegay Dalka Ingiriiska oo uu kula soo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Tony Blair iyo Dalka Itoobiya oo uu uga soo qeybgalay shirkii Wadamada ku bahoobay Golaha Iskaashiga Sanca oo ay Soomaaliyana xubinta ka tahay.

 

Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii la soo doortay dabayaaqadii sanadkii 2004 waxay ku mashquulsan yihiin socdaallo ay ku kala bixinayaan dalal dibadda ah, iyadoo xaaladda dalka Soomaaliyana ay tahay mid ka sii dareysa, waxayna taasi dad badan oo Soomaaliyeed  ka door bidi lahaayeen inay mas’uuliyiinta Dowladda ay dhexda u xirtaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen mushkiladaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).