Talaado, March 06, 2007(HOL): Cutubyadii ugu horeeyay ee Ciidamo ay Dowladda Uganda u dirtay Dalka Soomaaliya ayaa maanta ka degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasina loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah.
Ilaa 400 oo Askari oo qeyb ka ah Ciidamo 1,700 askari gaaraya oo ay Dowladda uga qeybqaadaneyso Howlgallada nabad ilaalinta ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka fulinayaan dalka Soomaaliya ayaa saakay ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaas geeyay afar diyaaradood waa weyn.
Xafladdii soo dhaweynta ahayd ee loo sameeyay Ciidamada Uganda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay horkacayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo isugu jira kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo aanan ka tirsaneyn.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamuud Gacma-dheere oo xafladdii lagu soo dhaweynayay Ciidamada Uganda ka hadlay ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan Ciidamada ka imaanyaa Uganda iyo Midowga Afrika guud ahaan, wuxuuna Prof. Dalxa u sheegay Saraakiishii iyo Ciidamadii Uganda ka socday in ay ku soo dhawaadaan sida uu u yiri Dalkoodii labaad.
Xafladii soo dhaweynta ahayd waxaa ka hadlay Xildhibaanada kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow, waxayna labaduba sheegeen in loo baahan yahay in Soomaalida hubka laga dhigo, “Waan u mahadcelineynaa Dowladda iyo Qoysaska noo soo diray wiilashooda dhalinyarada ah ee Ciidamada ah, waxaana leenahay soo dhawaada”ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu caawiyo sidii ammaankeeda loo soo celin lahaa.
Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa isaguna sheegay in aan nabadgelyo lagu soo dabaali karin Soomaaliya iyadoo aan hubka laga uruurin, wuxuuna caddeeyay in isaga iyo hoggaamiyayaashii la midka ahaa ay hubkooda ku wareejiyeen Dowladda Federaalka, “Haddii la idiin sheegi jiray in aan nahay hoggaamiyayaal dhib badan, waxaan idin leeyahay warkaasi waxba kama jiraan, waxaana diyaar u nahay in aan idinla shaqeyno”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare oo sheegay in ay kadib markii ay maxkamadihii Islaamka ay ka awood roonaadeen, kadibna ay hubkooda Dowladda ku wareejiyeen ay haatan ka mid yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Intii ay socotay Xafladdii soo dhaweynta ahayd ee loo sameeyay Ciidamada ka socday Dowladda Uganda ayaa Wakiilka Midowga Afrika Mr. Maxamed Cali Foam lagu wareejiyay Calankii ay wateen Ciidamada Uganda ee, iyadoo uu Ambassador Foam-na ku wareejiyay Hoggaanka Ciidamada Uganda Calanka Midowga Afrika, waxayna taasi muujineysaa in Ciidamada Uganda ay ku shaqeyn doonaan amarka Midowga Afrika.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Paddy Akunda ayaa sheegay in ay maanta Muqdisho yimaadeen 400 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamada haray maalmaha soo socda ay imaan doonaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Afhayeenka oo gudaha garoonka kula hadlay saxafiyiinta waxaa uu sheegay in aysan dalka soomaaliya u imaanin in ay Soomaalida la dagaalamaan, wuxuuna caddeeyay in uu doorkoodu yahay sidii ay Dowladda Federaalka uga gacan siin lahaayeen dhinaca tababaridda Ciidamada, wuxuuse farta ku fiiqay in ay is-difaaci doonaan haddii la soo weeraro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia