11 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Muqdisho oo ay ku soo badanayaan Dilalka loo geysto Dadka Rayidka ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 06, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay nin rayid ah iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada socday, iyadoo dilka labadaas ruuxna ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo watay gaari Mark II ah, kuwaasi oo aan heybtooda la aqoonsan.

 

Labadan nin ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray  Col. Maxamed Aadan Bocorey iyo Maxamed Xaaji Cali Baashi ayaa la dilay iyagoo lugeynayay Xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka labadan nin xaqiijiyay Guddoomiyaha Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanah ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed oo sheegay in uu aad uga xumaaday dilka loo geystay labadaas nin oo uu sheegay in uu yaqaanay.

 

Sidoo kalena Darawal Wade ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya wadada 30ka ayaa geeriyooday kadib markii ay is-rasaaseyn dhexmartay kooxo doonayay in ay dhac u geystaan Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Isgoysyada Cali Kamiin iyo Km4 iyo milkilayaashii Gaadiidkaas.

 

Labo ruux oo kale ayaa shalay casir liiqii waxaa lagu dilay agagaaka Masjidka Xareed ee Degmada Hodan, iyadoo dilka labadan nin uu ahaa mid qorsheysan bacdamaa ay 7 nin oo hubeysan ay u soo qalab qaateen in ay dilaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in loogu galay oo lagu dhex dilay guri ay ku sugnaayeen.

 

Isgoyska Howl-wadaag, Suuq Bacaad iyo inta u dhaxeysa Isgoysyada Afarta Jardiino iyo Sanca ayaa seddex nin siyaabo kala duwan loogu dilay, walow seddexdan nin dilkooda lala xiriirinayo falal Burcadnimo ah.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay falal dil ah oo lala beegsanayay dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la ogeyn sababta ay kooxaha dilka geysta ay naftooda u dhaafsiinayaan dadka ay dilaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).