Isniin, March 05, 2007(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeedisay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay dhawaan ku baaqday Dowladda Federaalka ay lagama maarmaan tahay in gar-wadeen looga dhigo Siyaasiyiin aan damac lahayn iyo Odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed.
Caasha Axmed Cabdalla waxay sheegtay in shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagbeeyay Dalka Kenya uu ahaa mid u af-duubnaa sida ay tiri Kooxdii SRRC, waxayna carrabka ku dhufatay in loo baahan yahay in shirka dib u heshiisiinta ah ee la qabanayo laga qeybgeliyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida.
Xildhibaanadda waxay intaas ku dartay in dadka Soomaaliyeed haddii ay isu yimaadaan ay wax qabsan karaan, isla markaana ay heshiiisyo gaari karaan waase haddii bey tiri ay meesha ka baxdo faragelin shisheeye, waxayna natiijo laga gaaro shirka ay dowladda Federaalka ku baaqday ku xirtay in shirkaas uu ka madax banaanaado Dowladda Federaalka.
Hadalkan ay sii deysay Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu shaaciyay in shir dib u heshiisiineed oo la isugu keenayo ilaa 3000 oo ergay lagu qaban doono Magaalada Muqdisho 16-ka bisha April ee soo socota, wuxuuna madaxweynuhu caddeeyay in shirkaas ay hoggaanka u qaban doonaan Shakhsiyaad dhexdhexaad ah oo sumcad ku dhex leh dadka Soomaaliyeed..
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online